DHAGEYSO:- Dowladda oo gar-gaar raashin ah gaarsiinaysa Gobalada ay abaaraha ka jiraan

0

Muqdisho, AGGM: Wasaarada Arimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa daaha ka rogtay in dhawaan Gobolada dalka Soomaaliya la gaarsiin doono gar-gaar Bini’aadinimo, xilli shalay Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya uu guddoomay raashin Dowladda Turkiga ay Soomaaliya u keentay.

C/laahi Goodax Barre, ayaa wuxuu sheegay in qorshaha uu yahay in Iida kadib Gobolada dalka Soomaaliya dadka abaaraha ay ku saameeysay la gaarsiiyo raashinka si dhibaatada haysata looga saaro.

Waxa uu sheegay in qorshaha ugu horeeya uu yahay gurmad gaarsiinta dadka ku nool Gobolada Gedo,Bakool, Baay Hiiraan, Galgaduud Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

168 gaadiidka waaweyn ayaa lagu qaadi doonaa raashinkaan oo mid waliba uu qaadayo 25 tan si dadkaasi gurmad loo gaarsiiyo.

Dowladda Turkiga ayaa gar-gaarkii ugu badnaa oo raashin ah shalay ku wareejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib iyada oo ka jawaabeysa codsi Dowladda Soomaaliya uga yimid.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com