Dhageyso:-Ex Xildhibaan Saleebaan Maxamed Ibraahim “Heshiiska Laba Cabduwali Waxuu Khilaafsan Yahay Dastuurka”.

0

Muqdisho, AGGM: Xildhibaan Hore Saleebaan Maxamed Ibraahim ayaa si kulul u dhaliilay heshiiskii dhawaan magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal ku gaareen dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Isaga oo wareysi siinaayay Warbaahinta gudaha dalka, waxa uu sheegay in heshiiskaasi gabi ahaanba uu yahay mid hareer marsan Dastuurka KMG ee u yaala dalkeena Soomaaliya, islamarkaana lagu deg degay.

Sidoo kale Saleebaan Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in markii heshiiskaan uu dhacay la maqlay qeylo dhaan badan oo durba kasoo yeertay qaar badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale dowladda Federaalka ayuu sheegay in looga baahnaa in aysan qaadan talaabooyin uu sheegay in ay keeni karto Khilaaf soo kala dhex gala maamulada deriska ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com