Dhageyso: Gudiga Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe Oo Gaaray Magaalada Cadaado.

0

Muqdisho, AGGM:Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxaa maanta ka dagay Wafdiga Maamul u sameeynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud,waxaana Garoonka Diyaaradaha Cadaado ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Wafdiga ayaa waxaa uu gaarayaa 13 Xubnood,waxaana horkacaya Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha C/qaadir Cali Cumar oo hada ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdi Suldaan Axmed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Wafdiga u yahay ujeedka ay ku yimadeen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Maamulka loo dhisayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo Maamulka laga dhisayo Gobolada dhexe ee Dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Dhawaan dhismihiisa la bilaabo,iyadoona Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya uu Shalay sheegay in mudadii loogu talo galay dhismaha Maamulkaasi uusan dib u dhici doonin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com