Top News: Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur “Dowladda Gargaar Ayay Soo Gaarsiineysaa Degmada Ceelbuur”…

0

Ceelbuur, AGGM: Gudoomiyaha Degmada Ceel buur ee Gobolka Galgaduud Nuur Xasan guutaale oo la hadlay Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa Sheegay in Dowlada Soomaaliya ay gargaar deg deg ah soo gaarsiineyso Degmada Ceel buur.

Nuur Xasan guutaale ayaa Sidoo kale Sheegay in Madaxweynaha uu balan qaaday Maalmaha soo socda gargaar la gaarsiin doono.

Degmada Ceel buur Ayaa ka mid ah degmooyinkii ugu dambeeyay ee laga saaray Ururka A-Shabaab waxana ka jira dhibaatooyinka dhanka nolosha ah,waxana Shalay booqday Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com