Dhageyso:- Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Oo Ka Hadlay Dhacdadi Maanta Magaalada Baladweyne.

0

Baladweyne, AGGM: Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax ayaa waxa uu ka hadlay banaanbax ballaaran oo maanta dhacay Magaalada Baladweyne iyo rabshad ka dhacday halkaasi.

Cabdifitaax Xasan Afrax oo wareysi siiyey duhurnimadii Idaacada BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waxa uu sheegay inay xaaladu tahay mid deggan kadib dadkii ay banaanbaxa dhigeen wax dhib ah dhacayna ma sheegin.

Waxa uu ku cel celiyey in si khaldan dadka warbixino loogu sheegay taasi oo keentay in la isku dhaco isagoo sheegay in xitaa dagaal beeleedka ka dhacay Deefoow ay ku lug leeyihiin Saraakiil katirsan Dawlada Soomaaliya inkastoo uu diiday inuu magacaabo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com