Dhageyso:- Halkee Ugu Cabsi Badan Soomaaliya Cudurka Ebola.

0

Kismaayo, AGGM: Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose waa meesha ugu badan ay Cabsida Soomaaliya ka jirto ee dadkuna ka baqdin qabaan in Cudurka Ebola uu kasoo weeraro.

Arintaan waxay ka dambeysay markii Askari udhashay Sierra Leone oo loo soo waday Somaliya laga helay Cudurkaasi taasi oo ka dhigtay Boqolaal Askari in dartiis Askarigaasi loo joojiyey.

Kismaayo waa meesha kaliya ee Ciidan kasocda Sierra Leone ay Somaliya ka joogaan waxaana taasi ay keentay Cabsi xoogan oo soo foodsaartay dadka ku dhaqan Kismaayo.

Hadaba waxa jira Urur la yiraahdo Howlgalka ka dhanka ah Cudurka Ebola oo ka shaqeeya Somaliya waxaana xubin ka ah Cabdullaahi Muuse Axmed waxa uu fariin udiray Shacabka ku dhaqan Kismaayo isagoo sheegay inay ka wacyi gelin doonaan Cudurkaasi maadama Ciidan ka socda dal laga helay Cudurka ay halkaasi joogaan dhawaana ay Tegi doonaan Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com