Dhageyso:-Horjoogihi Maleeshiyada Raaskambooni Ee Degmada Dhoobleey Oo Iscasilay…

0

Dhoobley, AGGM: Gudoomiyahii degmada Dhoobleey ee gobalka Jubada Hoose ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaasi, iyadoona ay jireen warar laga sii daayay warbaahinta qaar oo sheegayay in is casilaadiisa ay ka dambeeyay cadaadis dhanka horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe Kaga yimid.

Qeex Maxamed Cabdulaahi oo ah gudoomiyaha is casilay ayaa u sheegay Warbaahinta gudaha dalka in marka hore xilkaasi uu iska casilay, islamarkaana aanu jirin in cadaadis uu kala kulmay horjoogaha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.

Waxa uu shaaciyay in uu kulan gaar ah la qaatay is casilaadiisa kadib Odayaasha deegaanka iyo xubno ka mid ah Horjooge Axmed Madoobe ku wehelinaya safarkii dagmada dhoobleey kuwaasi oo la shaaciyay inay dhex dhexaadinayeen isaga iyo Horjoogaha maleeshiyada Raaskambooni inkastoo arimahaasi oo meesha ka saaray.

Dhawaan ayaa degmada Dhoobleey waxaa safar ku tagay horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe, waxaana wararku sheegayaan in khilaaf aan lasii shaacin uu soo kala dhex galay isaga iyo gudoomiyahii Dhoobleey oo ugu dambeyn xilka ka tagay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com