DHAGEYSO:- Kenya oo maxaabiis ku soo wareejinaysa dowlada Soomaaliya

0

Wasiirka Arimaha Dibada Wadanka Kenya Amina Mohamed ayaa sheegtay in Macquul ay tahay in Dowlada Kenya ay kuwareejiso Dowlada Somalia rag ku Eedeesan Burcad badeed nimo ee kuxiran Wadankaasi Kenya.

Wasiir Aamina ayaa sidoo kale sheegtay in Dowlada Kenya iyo Somalia uu kadhaxeeso xiriir diplomaasiyadeed islamarkaana codsi hadii uu uga yimaado Dowlada Kenya dhanka Somalia ay aqbalayaan.

Horaan safiirka Somalia ufadhiya Kenya Mohamed Ali Americo ayaa sheegay in Somalia ay Wadahadal kula jirto Kenya qaabkii Somalia loogu soo wareejin lahaa maxaabiista burcad badeeda ee Kenya gacata ay kuheeso,madamad sida uu sheegay safiirku uu kudooday in Somalia haatan ay leedahay xabsiyo lagu xiri karo maxaabiistaasi.

Kenya ayaa qeyb ka ah Daraasiin dowlado caalamka oo gacanta kuhaya maxaabiis Somali ah oo ku eedeesan burcad badeed nimo.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka