Dhageyso: Rag Hubaysan Oo Laba Ruux Ku Dilay Suuqa Bakaaraha…

0

Muqdisho, AGGM:Labo qof ayaa galabta lagu dilay Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxaana dilkaasi geystay Dhalinyaro ku hubeysneyd Bistoolado iyagoo kadib goobta ka baxsaday.

Falka dilka ah ayaa ka dhacay Halka loo yaqaano Carwo Liimooni ama Suuqa Eeyaha Gudaha Bakaraaha waxaana la ogeyn sababta loo dilay dadkaasi.

Dad Goob joogayaal ayaa waxay sheegayaan in ragga la dilay ay ahaayeen kuwo Khaatka iyo Sigaarka ugeyn jiray Ciidanka dawlada Soomaaliya.

Xaalada ayaa muddo waxay noqotay mid cakiran iyadoo ciidan badan ay goobta gaareen waxaana ay raadinayeen dableyda dilka ugeysatay labadaasi nin,mana ahan wax ku cusub in dad lagu dilo gudaha suuqa Bakaaraha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com