Dhageyso: Koox Hubeysan Oo Oday Dhaqameed Caan Ah Ku Dilay Degmada Afgooye…

0

Afgooye, AGGM: Rag hubaysan ayaa xalay waxay degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose ku dhaawaceen mid kamid ah nabadoonada ugu caansan degmadaasi.

Nabadoon Xuseen Jiis oo aad looga yaaqaano degmada Afgooye ayaa isaga oo kasoo baxay Masjid waxaa weeraray rag dhalinyaroo ah kuna hubeysnaa Bistoolado, waxaana soo gaaray dhaawac.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Afgooye, goobjoogna ahaa markii ay wax dhacayeen ayaa u sheegay Warbaahinta gudaha dalka in Nabadoonka dhaawac xoogan uu soo gaaray, sidoo kalena goobta ay ka baxsadeen ragii falkaasi ka dambeeyay.

Weerarka kadib waxaa goobta gaaray ciidamada Booliiska degmada Afgooye, kuwaa oo sameeyay Baaritaano ay kusoo qabteen tiro dhalinyaro ah oo hadda ku xiran saldhiga degmadaasi.

Maamulka degmada Afgooye weli wax faah faahin ah kama bixin dhalinyaradaan ay soo qabteen iyo sidoo kale dhaawaca loo geystay nabadoonkaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com