Dhageyso: Maamulka Degmada Wardhiigley Oo Ka Warbixiyay Qarax Ka Dhacay Degmadaas…

0

Muqdisho, AGGM: Iyadoo Caawa fiidkii uu qarax ka dhacay Garaash ku yaalla Degmada Warta Nabada ayaa waxa loogu xiray gaarigiisa Sargaal katirsan Ciidanka dawlada Soomaaliya inkastoo wax khasaaro ah uusan ka dhalan qaraxaasi.

Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Amaanka iyo Siyaasada Maamulka Warta Nabada C/rashiid Ciise Maxamed ayaa waxa uu goor dhaw ka hadlay qaraxaasi caawa ka dhacay degmada ay maamulka uyihiin.

Waxa uu C/rashiid ciise sheegay in gaari uu leeyahay sargaal katirsan Xoogga Dalka qarax loogu xiray xilli Garaash lagu sameynayey uu qarax ka dhacay.

Waxa uu gudoomiyuhi sheegay in baaritaano ku wadaan qaabka qaraxa loogu soo xiray gaarigaasi waxaana uu dhinaca kale sheegay in wax khasaaro ah uu qaraxa geysan dad loo qabtayna ilaa hadda aysan jirin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com