Dhageyso: Maamulka Gobolka Banaadir Oo Dacwad Ka Gudbiyay Wasaarada Maaliyadda…

0

Muqdisho,AGGM: Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo Saxaafada maanta oo Sabti ah lahadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa waxa uu wax laga xumaado ku sheegay in Wasaarada Maaliyada ay is hortaag ku sameyso Khudaartii iyo Xoolihii Muqdisho lasoo gelin jiray ee dadku isticmaali jireen.

Waxa uu Cali Seeko sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo R/wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed uga Ashtakooday inay wax ka qabato Wasaarada Maaliyada Soomaaliya oo shaqadii Dawlada Hoose iyadu la wareegtay.

Maalmahan dambe waxa xurguf ay ka dhex jirtaa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaarada Maaliyada Soomaaliya inkastoo weli mas’uul katirsan Wasaarada Maaliyada uusan ka hadlin Eedeynta uga imaaneysa Maamulka Gobolka Banaadir.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com