Dhageyso: Madaxweynaha Maamulka 6-da Gobol Madoobe Nuunow Oo Maanta Lagu Go’adoomiyay Gudaha Magaalada Baydhabo..

0

Baydhabo, AGGM:Waxaa maanta kulan iskugu yimid qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Maamulka Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoona shir xasaasi ah uu manata ka dhacay Xarunta ADC-da Baydhabo.

Shirkaasi waxa ka qeyb galaya sida la sheegay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la dhacsan ama taageersan Maamulka Lixda Gobol ee Madoobe Nuunoow Hogaamiyo.

C/llaahi Maxamed Idirs (Leesto) oo ka mid ah Wasiirada Maamulka Lixda Gobol ayaa waxa uu sheegayaa in shalay ilaa Maanta ay go’doon ku jiraan Xarunta ADC-da Baydhabo kadib markii ciidan ay isku hareereeyeen.

Maamulka Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa waxay kasoo horjeedaan shirka Madaxweynaha uu furay shalay ee Seddexda Gobol maamulka ka kooban la sameynayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com