Dhageyso: Odayaasha Dhaqanka Deegaanka Lamu Oo Ka Biyo Diiday Bandow La Saaray Mudo Bil Ah…

0

Lamu, AGGM: Hogaan dhaqameedyada deegaanka Lamu oo ka tirsan Kenya ayaa walaac ka muujinaya sii socoshada iyo waqtiga dheer ee lagu siyaadiyay badowga la saaray Lamu.

Bandowgaan ayaa deegaanka waxaa ku soo rogay taliyaha Booliska Kenya David Kimaiyo oo arintaan u arkay mid lagu xaqiijin karo amaanka deegaankaasi oo mudooyinkii la soo dhaafay marti u ahaa weeraro dad badan ay ku dhinteen.

Hogaamiyaasha oo uu horkacayo duqa Issa Timamy,ayaa sheegay in kooxda nabad galyada si qaldan wax u hogaaminayaan.

Wuxuu sheegay in deegaanka uu lumayay wax badan oo lacag deegaanka ah, Bandowga dartiisa,islamarkaana dadka deegaanka shaqadoodii ka habsaameen.

“Bandowgaan iska socda ee lagu soo rogay deegaanka ma ahan mid sax ah,waxaana dalbaneynaa in Jaziirada laga dul qaado Bandowga si wajiga hore ee amaanka u hagaago,” ayuu yiri Issa Timamy.

Bandowgaan ayaa soconaya mudo bil ah.

Booliska Kenya ayaa Bandowgaan ku micneeyay mid looga gol leeyahay sugida amaanka,maadama qaraxyada iyo weerarada kale ee Lamo ka dhacaya ay soo noq noqnoqonayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com