DHAGEYSO:- Puntland oo qabaneysa arin wanaagsan

0

Agaasimaha guud ee wasaradda Caafimaadka dowladda Puntland Mudane Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa sheegay inay sameeyeen gudi uu isaga kamid yahay oo ka kooban dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Gudigaasi ayuu sheegay inay ka shaqeynayaan sidii looga hortagi lahaa cudurka Ebola oo dad badan ay ugu dhinteen dalalka ku yaala galbeedka Qaarada Africa.

Agaasimaha caafimaadka Puntland wuxuu sheegay in si weyn loo ilaalin doono goobaha dadka ay kasoo dagaan oo garoomada ay ku jiraan, lana dhigi doono garoomada qalab lagu ogaado caafimaadka qofka qaba cudurka Ebola.