DHAGEYSO:- Puntland oo sameysay arin qatar ku ah Somaliland

0

Saleebaan Xagla Toosiye oo kamid ah wasiirada maamulka Somaliland ayaa sheegay in madaxweynaha maamulka Puntland uu sameeyay gudi loogu magac daray Xoreynta iyo horumarka.

Xagla Toosiye ayaa sheegay in gudigaasi masuul looga dhigay masuul dhawaan kasoo goostay maamulka Somaliland, isagoo sheegay in taasi ay carqalad abuuri karto.

Wuxuu sidoo kale sheegay in maamulka Somaliland uusan u dulqaadan doonin qorshaha maamulka Puntland uu damacsan yahay sida uu hadalka u dhigay xagla Toosiye.

Madaxweynaha Puntland Cabdi Welli Gaas iyo madaxdiisa ayaanan ka jawaabin eedeynta  kaga timid maamulka Somaliland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com