DHAGEYSO:- Qamri Muqdisho lagu iibiyo oo laga digay

0

Iyadoo maalintii shalay dowlada Soomaaliya ay burburisay labo kunteenar oo qamri ahaa ayaa haddana waxaa dowlada Soomaaliya ay soo saartay digniin kale.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray digniin loo jeedinayo dadka ku mashquulsan iibinta qambriga.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inay ka warhayaan in garoonka diyaradaha Muqdisho ay ku yaalaan goobo lagu iibiyo maandooriyaha qamriga ayna waxka qaban doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Cali Daahir, ayaa digniin u diray dadka leh dukaamada ku yaala garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in dhawaan ay burburin doonaan.

Maalintii shalay ayay aheyd markii barxada iskuul “Baluuziyo” lagu burburiyay laguna aasay labo kunteenar oo qamri ah oo muddo ka badan sanad ku xayirnaa dekada magaalada Muqdisho.