DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay Muqdisho

0

Qaraxa ayaa ka dhacay Garaash ku yaalla Degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir waxa loogu xiray gaarigiisa Sargaal ka tirsan Ciidanka dawlada Soomaaliya inkastoo uusan wax khasaaro ah geysan qaraxaasi.

Gudoomiye ku xigeenka Dhanka Siyaasada iyo Amniga ee Demada Warta Nabada C/rashiid Ismaaciil Maxamed  ayaa ayaa Faah faahin ka bixiyay Qaabka uu Qaraxa u dhacay.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in gaari uu lahaa sargaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka waxa uuna tilmaamay in Gaariga qarxay u sameys u yaallay Garaashka.

C/rashiid Ismaaciil Maxamed Gudoomiye ku xigeenka Dhanka Siyaasada iyo Amniga ee Demada Warta Nabada aya sheegay in ay horay ugu digeen milkiilayaasha Garaashyada ku yaallo Degmada taasi oo ahayd iney soo diwaan geliyaan Shaqaalaha ka shaqeynaya Garaashka.

Waxa uu xusay in Cidamada Amaanka ee Degmada ay mar welibo diyar u yihiin Sugida Amaanka waxa uuna Shacabka Degmada ka dalbaday in ay la Shaqeeyaan oo ay garab istaagaan Ciidamada Amaanka ee Degmada.

Mudooyinkii dambe gaar ahaan xilliyada habeenkii ah waxa Magaalada Muqdisho ka dhacaayay Qaraxyo inta badan khasaaro uu ka soo gaaray dad Shacab ah.