Dhageyso:- Wariyeyaasha Magaalada Muqdisho Oo Baaq U Diray Garsoorka Dalka.

0

Muqdisho, AGGM: Kulan Ballaaran oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxa looga hadlay Xarig Muddo labo bil ka badan ah ay dawlada ugu heyso Wariyeyaal ushaqeynayey Idaacadaha Shabelle iyo SKY FM ee Muqdisho.

Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Bakistaan ayaa waxa uu sheegay inay inay codsanayaan in dib loo sii daayo ama ay hawada dib ugu soo laabtaan Raadiyeyaasha Shabelle iyo SKY FM oo qalabkoodii dawlada gacanta ku heyso.

Bakistaam ayaa fariin gaar ah udiray Maxkamada Gobolka Banaadir isagoo ka dalbaday in idaacadahaasi qalabkooda dib ugu soo celiyaan islamarkaana ay dib xoriyadooda usiiyaan Wariyeyaasha uxiran ama maxkamad la horkeeno si dembiga loo heysto loogu qaado.

Halkan Hoose Ka Dhageyso Wariye Maxamed Ibraahim Bakistaan

Sidoo kale waxa kulankaasi ka hadlay Agaasimaha Idaacada Shabelle Maxamed Muuse isagoo dalbaday in dib loogu fasaxo Warbaahinta Shabelle lana soo daayo Wariyeyaasha ka xiran,waxa uuna sidoo kale sheegay in shaqaalihii Shabelle ay hadda shaqo la’aan joogaan Muqdisho.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Agaasimaha Radio Shabelle

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com