DHAGEYSO:- Wasiirada Soomaaliya oo ka hadlay amaanka dalka iyo arimo kale

0

Golaha Wasiirada iyo laamaha ammaanka dalka iyo Amisom ayaa xalay Magaalada Muqdisho waxa ay ku yeesheen kulan looga hadlaayay ammaanka caasimada iyo deeganadii Shabaab laga saaray.

 

 

Kulanka ayaa waxaa shir Guddoominaayay Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Ahna Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg, iyadoo markii kulankaasi uu soo dhamaaday Saxaafada uu la hadlay Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

 

Ujeedada shirkan ayaa aheyd sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya dhamaan ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM, iyo in la dejiyo qorshaha lagu xasilinayo deegaannadii ugu dambeeyay ee laga saaray Al-shabaab.

 

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa wuxuu sheegay in la isla gartay xaqiijinta ammaanka caasimada iyo dhulkii Shabaab laga saaray.

 

Generaal Maxamed Xasan Ismaaciil Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, ayaa wuxuu sheegay in waxyaabaha kale ee kulanka la isugu soo hadal qaaday ay qayb ka tahay sidii ciidamada Booliiska, Nabadsugida iyo Amisom ay isaga kaashan lahaayeen xaqiijinta ammaanka caasimada.

 

Kulankaan deg dega ah ee xalay Madaxtooyada Soomaaliya ka dhacay, ayaa kusoo aadaya, xilli maalmahan dambe ammaanka caasimada Muqdisho uu noqday mid sii xumaaday oo falal amnidaro ay ka dhacayeen.