DHAGEYSO:- Xeer ilaaliyaha qaranka oo fariin adag u diray dhamaan garsoorayaasha dalka

0

Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay ku dhegen yihiin inka badan 30 garsoore kuwaasi oo uu sheegay inay sharci ku magacowneen.

Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in garsoorayaal badan ay iminka ku magacaaban yihiin si sharci daro ah sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sheegay in dhamaantood lala xisaabtamayo.

Wuxuu sheegay in dhamaan garsoorayaasha oo kala jooga maxkamada gobolka Banaadir iyo maxkamadaha degmooyinka ay magacaabeen gudiga adeega garsoorka.

Axmed Cali, ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in garsoorayaasha lagu soo magacaabo digreeto madaxweyne.