DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay inay dhibaato ka heesato deegaanada ay kala wareegtay Al-Shabaab

0

Muqdisho, AGGM: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa qiray in dhibaatooyin adag oo dhanka nolosha ku saabsan ay ka jirto Degmooyinkii dhawaan laga saaray gacanta Ururka Al Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhibaatooyinka ka jira Degmooyinkii dhawaan Shabaab laga saaray ku sifeeyay labo arimood.

Waa midka koowaad in Degmooyinkaasi ay ka jiraan xaalado dhanka nolosha ah oo haysata shacabka ku nool goobihii Shabaab laga qabsaday ee ciidamada ay hada ku sugan yihiin, isaga oo xusay Ra’iisul Wasaaraha inuu isaga qudhiisa soo arkay dad dhibaateysan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay in dhanka maamulka Degmooyinka ay dhibaato ka jirto.

Waxa kale uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in dhibaatada kale ee dadka haysata ay tahay mid ay Shabaab ugeysteen, maadaama kolkii Shabaab laga qabsanaayay Degmooyinka laga xureeyay ay sii dhibaateeyeen ceelashii biyaha laga cabi jiray.

Al Shabaab ayaa go’doomiyay dhamaan Degmooyinkii laga qabsaday ee Gobolada dalka Soomaaliya, taasi oo keentay in shacabka ku nool Degmooyinkaasi Dowladda ay gaarsiin weyday gar-gaar.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com