Dhageyso:Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Amisom Oo La Wareegay Deegaano Hoostaga Degmada Baraawe.

0

Muqdisho, AGGM:Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa gaaray deegaano dhowr ah oo ku dhow degmada Baraawe oo ay gacanta ku hayaan falaagada argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Wararka aan ka helnay gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamadan is kaashanaya ay tageen dhowr tuulo oo hoos yimaada degmada Baraawe kuwaasi oo la tilmaamay in ay ka baxeen falaagada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeellaha hoose ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlay Warbaahinta gudaha dalka ayaa sheegay in ciidamada ay ku dhowyihiin degmada Baraawe halkaasi oo uu shaaciyay in ay goor dhow gudaha u geli doonaan.

Ciidamada huwanta ayaa ka ambabaxay degmada Buulo Mareer waxa ayna imika ku suganyihiin tuulada Marin gubaay.

Siidii ayaa xusay in ay shir jaraa’id ku qaban doonaan magaalada Baraawe marka ay la wareegaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com