Dhageyso+Fadeexad: Ciidamada Dowladda Soomaaliya Oo Xoog Kula Wareegay Beero Shacab Degmada Afgooye…

0

Afgooye, AGGM:Ciidan katirsan Dawlada Soomaaliya ayaa lagu Eedeeyey inay Xoog kula wareegeen Beero ku yaalla Degmada Afgooye iyadoona ay Arintaasi ka qeylo dhaamiyeen dadkii beerahaasi laga dhacay.

Kulan ka dhacay Degmada Afgooye ayaa waxa iskugu yimid Dadkii beeraha Xoogga lagala wareegay iyagoo sheegay in ceel biyood ay cabi jireen la duugay,Haween la kufsaday,guryo ay lahaayeena laga dumiyey iyo Beerihii ay lahaayeen oo lala wareegay.

Gudoomiyaha Deegaanka Raqay Aw Samoow oo ah meesha uu falka ka dhacay Yaxye Yuusuf Cali ayaa saxaafada mar uu kula hadlay Degmada Afgooye waxa uu sheegay inay Cabasho xoogan ka yihiin ciidankaasi dhibaatada ugeystay ee dawlada katirsan hantidii ay lahaayeena ka dhacay.

Waxa uu Yaxye sheegay inay dawlada ka codsanayaan inay arintaasi si deg deg ah wax uga qabato oo ay dib ugu soo celiso xaqii ay lahaayeen ee xoogga loogala wareegay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com