Dhageyso:Falaagada Al Shabaab Oo Xalay Weerar Deegaanka Raage Ceele Ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

0

Muqdisho, AGGM:Maleeshiyaadka falaagada aragagixisada ah ee Al Shabaab ayaa waxa la sheegay in xalay saqdii dhexe weerar ku qaadeen Deegaanka Raage ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Gudoomiyaha Raage Ceele ugu magacaaban Dawlada Federaalka Soomaaliya Yuusuf Xaaji Maxamuud ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey weerarkii lagu soo qaaday deegaanka uu maamulka ka yahay.

Yuusuf waxa uu sheegay inay iska caabiyeen Al Shabaabkii soo weeraray xalay isagoo sheegay wax khasaaro ah shacabka iyo ciidanka inaysan soo gaarin.

Maamulka Raage ceele ayaa ku faanay inay khasaaro iyagoo la gaarsiiyey ay shabaabku dib ugu laabteen dhulka keymaha ah ee ay kasoo duulaan tageen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com