Dhageyso:Falaagada Argagixisada Ah Ee Al-shabaab Oo Dhagax Ku Dilay Wiil 18 Jir Ah…..

0

Marka,AGGM:Ururka Al Shabaab ayaa dhagax ku dilay Talaadadii shalay wiil dhalinyaro ah ciidankooda katirsanaa oo kufsi ugeystay haweeney ka mid aheyd Tuulooyin hoostaga Gobolka Shabellaha Hoose.

Al Shabaab ayaa wiilka ay dhagaxa ku dileen waxa lagu magacaabi jiray Xasan Axmed Cali oo 18 jir ahaa isagoo kufsaday haweeney lagu magacaabo Faadumo Xasan Maxamuud oo 28 jir ah.

Nin uhadlayMaxkamada Al Shabaaab ayaa sheegay in wiilka lasoo Eedeeyey uu Qori watay kufsina ugeystay haweeneydaasi oo kusugneyd Tuulada lagu magacaabo Dharuuro si qasab ahna uu ugu kufsaday.

Intaasi kadib Shabaab ayaa dhagax ku dilay Xasan Axmed Cali oo 18 jir ahaa iyadoo fagaaro ku yaalla deegaan katirsan Gobolka Shabellaha Hoose ay Xukunka ka fuliyeen.

Ururka Al shabaab ayaa dhowr jeer Xukuno kuwaan la mid ah waxay ka fuliyeen deegaanada ay ka maamulaan Dalka Soomaaliya iyadoo dadka qaar ay ku sheegaan in dadka ay ku sheegeen in ay qirteen dambigooda aan lasoo dhigin codkooda internetka si loo ogaado in qofka la dilay raali yahay iyo in kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com