Dhageyso:Gen. C/risaaq Khaliif Cilmi “Waxaanu Qorsheenaynaa Inaan Isku Xirno Barnaamijka Hiigsiga Cusub Iyo Howlgalka Badweynta Hindiya”.

0

Muqdisho, AGGM:Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janeral C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa waxa uu sheegay inay qorsheynayaan in la isku xiro Howlgalka Dagaal ee Badweynta Hindiya iyo Barnaamijka Hiigsiga Cusub ee Soomaliya.

Janeral Khaliif oo wareysi siiyey Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in Howgalka Badweynta Hindiya uu noqonayo mid guuleysta sida uu rajeeyana ay guul ka gaari doonaan si loo gaaro buu yiri Sanadka 2016-ka doorasho ka dhacdo dalka Somaliya.

Abaanduule Khaliif ayaa Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho ka codsaday inay Amniga kala shaqeyaan oo aysan guryaha ka kireenin dadka aan la aqoon.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com