Dhageyso: Waxaan Dhamayn Toban Wiil Oo Maanta Isku Dayay Inay Carqaladeeyaan Shirka MIDNIMO One Oo Lasoo Qab Qabtay Iyo Shirkii Oo Wali Sidiisi U Socda….

0

Garbahaarey, AGGM:Guddiga shirka magaalada Garbahaarey ayaa sheegay inuu shirka marayo meel wanaagsan kadib markii saaka ay soo ifbaxeen warar sheegaya in in habsami u socodka shirka la qal-qal galiyay.

Afhayeenka shirka Midnimo One Maxamed Aadan Cali ayaa sheegay in shirku uu yahay mid si wanaagsan ku socda isla markaana ay jiraan ciidamo isku geedaamay xarunta shirka inkastoo mar dambe la xaliyay.

Shirka, ayuu tilmaamay in maanta looga arrinsanayo arrimo ku saabsan maamulka Jubba, wuxuu sheegay in ergada ay sidii caadiga ahayd kaga qeyb galayso shirka, oo uusan jirin wax isbedel ah.

Isku soo wada duuboo kooxdan yar ee isku dayday maanta inay carqaladeeyana shirka Midnimo ee ka socda magaalada Garbahaarey ayaa waxaa loo taxaabay xabsiga magaalada Garbahaarey, waxaana hadda ku socda Baaritaan ku aadan in la ogaado halka iyo cida  soo abaabushay…

Filo Dhawaan Inaan Idiin Soo Bandhigno Cida iyo Halka Laga Soo Abaabulay Wiilashan La Marin Habaabiyay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com