Dhageyso:Nabadoon Maxamed Axmed Sanweyne “Mowlaca Sheekh Cali Geeldoon Gabdho Ayaa Lagu Kufsaday, Axmed Madoobena Waxuu Nagu Yiri 24 Saac Uga Baxa Kismaayo”.

0

Muqdisho, AGGM:Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee ku nool Magaalada Kismaayo kana soo horjeeda Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni  in Hogaamiyaha Maleeshiyaadkaas Axmed Maxamed Islaam”Axmed Madoobe uu ku Amray in mudo 24-saac Gudahood ah ay iskaga baxaan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbad.

Nabadoon Maxamed Axmed Sanweyne oo ka mid ah Waxgaradka Magaalada Kismaayo oo Warbaahinta gudaha dalka u Waramay ayaa sheegay in Amarkaas la siiyay Odayaasha Magaalada ee Maamulka Axmed Madoobe ka soo horjeeda.

“Magaalada waan u dhalanay meel aan ka aadeyno malahan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka hanala ogaato Arrinta Axmed Madoobe ka soo yeertay”ayuu yiri Sanweyne.

Horjoogaha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe ayaa eedeeynta loo jeediyay wali ka hadlin hadalka ah in Odayaal ku nool Kismaayo lagu Amray in magaalada ay iskaga baxaan.

Isku soo wada duuboo Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa xalay waxa ay Baahisay tacadiyada loo geesanayo dadka  birmageydada ah iyo kufsi ay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ka geysteen gudaha Mowlaca xerta Sheekh Cali Geeldoon ee gudaha magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com