Dhageyso+Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Maanta Tagay Magaalooyinka Baladweyne Iyo Ceel Buur.

0

Muqdisho, AGGM:Madaxweynaha oo ay wehliyaan wasiirka warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow,wasiir ku xigeenada Arrimaha gudaha iyo Xanaanada xoolaha,Mudanayaal Baarlamaanka ah iyo taliyeyaasha ciidamada Nabadsugida,iyo Xooga dalka ayaa maanta gaaray degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud halkaasoo ah magaalo taariikh weyn leh islamarkaana xadaardeedu ay fogtahay.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo katirsan ciidamada Qaranka iyo kuwa AMISOM isagoo kulan la qaatay saraakiisha ciidamada kaasoo looga hadlayay xaaldaha amaanka,nolosha dadka iyo guud ahaan sidii loo horumarinlahaa,

Degmada Ceelbuur oo mudo dhowr bil ah gacantooda ka maqan Argagaxisada Al-Shabaab ayaa dadkii ku noolaa waxay ku suganyihiin meel duleedka ka ah kadib markii ay Al-Shabaab ceelasha biyaha kala baxeen Bamkii biyaha kasoo saarayay taasina ay keentay in dadku ay aadaan goobo ay biyo nadiif ah ka helaan,

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo meel fagaare ah kula ahdlay dadka reer Ceelbuur ayaa sheegay in dowladu ay keeneyso matooro dabka dhaliyo sid ay dadku guryahooda ugu soo noqdaan,dawooyin uu cusbitaalku isticmaalo iyo raashin gargaar ah waxa uuna intaa raaciyay in dowlada Soomaaliya aanay waxba ka hagran doonin dadka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa intaa kadib booqday degmada Ceelbuur gaar ahaan saldhiga Booliska iyo warta uu Togga Ceelbuur biyaha kusoo shubo halkaasoo raxmada alle ay xareed dhigtay.

Xubnaha la socday madaxweynaha oo uu ka mid ahaa wasiirka warfaafinta Soomaaliya mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay inay u istaagi doonaan sidii degmada loo horumarinlahaa,

“Ceelbuur waa magaalo taariikh weyn leh islamarkaana ay ku yaalaan goobo dhisnaa ku dhawaad 100 sanadood waxeyse xiligan u baahantahay in wax badan ay u qabtaan dadkeedu” ayuu yiri mudane Msutafa Sheekh Cali Dhuxulow

Madaxweynaha ayaa intaa kadib booqday degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay gudoomiyaha gobolka C/Fataax Xassan Afrax iyo ku xigeenadiisa waxaana madaxweynuhu uu kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee reer Hiiraan kuwaasoo uu kala hadlay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada kusoo noq noqday deegaanka Deefow ee gobolka Hiiraan kuwaasoo u dhaxeeya dad walaalo ah oo deegaanka wada dega,

Mudane Xassan Sheekh Maxamuud waxa uu u sheegay dadka deegaanka in aan loo baahneyn in dhiig Soomaaliyeed ku daato xiligan si macno daro ah iyadoo loo dhaqaaqay dib u dhiska wadanka oo meel wanaagsan maraya.

Madaxweynaha iyo xubnaha la socday ayaa isla maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho iyadoo booqashooyinka gobolladu ay yihiin kuwo macno weyn ku fadhiyo taasoo meesha ka saareysa in aanay kala warqabin dowlada iyo dadka ay metesho.

Sawirada Ceelbuur

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Khudbadi Madaxweynaha Ee Baladweyne.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Booqashada Madaxweynaha Ee Ceelbuur.

ceel2 ceel1 ceel ceel4 ceel3

ceel5

ceel6

ceel8

 

ceel7

Sawirada Baladweyne

xas10

xas5

xas6

xas

xas6

xas7

xas8

 

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com