Dhageyso+Sawirro+Video: Booliska Britain Oo Baadi Goob Ugu Jira Laba Gabdhood Oo Soomaali Ah.

0

London, AGGM:Booliska dalka Britain ayaa baadi goob ugu jira sidii gacanta ugu soo dhigi lahaayeen Labo Gabdhood oo Somali-britain ah kuwaasi oo la sheegay inay u baxsadeen dalka Syria si ay uga biiraan Kooxda Daacisha ee ka dagaalanta Dalalka Syria iyo Ciraaq.

Wariye Bashiir Jiilaal Barow oo Idaacada Risaala kaga soo warama Qaarada Yurub ayaa soo sheegaya in Booliska dalka Britain ku daba jiraan sidii xog badan uga ogaan lahaayeen qaabka ay ku baxsadeen Labo Hablood oo ka tagay Ingiriiska,kuwaasi oo la aaminsan yahay inay u dagaal doonteen Syria.

Gabdhahaan oo magacooda aan la shaacin laakiin da’dooda lagu kala sheegay 15 ilaa iyo 17-sano jir ayaa Booliska waxay tilmaameen in hada ay ku sugan yihiin dalka Turkiga halkaasi oo ay kaga sii gudbayaan wadanka Syria si ay ugu biiraan Kooxda ISIS.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee dagaalada u aaday Syria iyo Ciraaq ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwa ku dhashay dalalka ay ka tagayaan.
Dhalinyaro badan ayaa ka kala tagaya Mareynkanka iyo dalal kale oo ku yaala Qaarada Yurub kuwaasi oo si xowli ah ugu biiraya Kooxda Daacish.

Hogaamiyasha Muslimiinta ee ku nool Mareynkanka iyo Britain ayaa dadaal ugu jira sidii dhalinyarada looga reebi lahaa waxay ugu yeereen argagixisada Caalamka.

yusra1 yusra

Halkaan Hoose Ka Daawo Fariin Ay Direyso Yusra Hussein Hooyadeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com