Dhageyso:Shirki Midnimo One Oo Wejigiisi Labaad Dhawaan Ka Furmaya Magaalada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo.

0

Garbahaarey, AGGM: Magaalada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa lagu wadaa in uu ka furmo wajiga labaad ee Shirkii Wajigiisii kowaad dhawaan lagu soo gaba gabeeyay degmadaasi, waxaana shirkaan loogu magacdaray Midnimo.

Afhayeenka Shirkaasi Maxamed Aadan Cali Dheere ayaa sheegay in shirarkan ay yihiin sidii la isugu soo dhaweyn lahaa beelaha wada dega Gobolkaasi.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in ay ku war galiyeen Ragga jooga magaalada Kismaayo inay ka soo qayb galka wajigan labaad ee ka furmaya Magaalada Garbaharay ee Gobolka Gedo, inkastoo horay ay war uga soo saareen.

Shalay ayaa gudoomiyaha Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo u waramay Warbaahinta gudaha dalka waxa uu sheegay in marnaba aysan raali ka noqon doonin shirkaan oo uu ku sheegay inuu yahay mid siyaasadeed.

Iksu soo wada duuboo wejigii Koowaad ee Shirka Midnimo waxaa daah furay xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay siyaasiin iyo sidoo kale Waxgaradka gobalka Gedo kasoo jeeda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com