Dowlada Uganda oo sharciyeysay xarig 5-nin oo lala xiriiriyay Al-shabaab

0

Maxkamada dalk Uganda sheegtay inuu sharci yahay xariga Shan nin oo Kenyaan ah kuwaasi oo lala xiriirinayo weerarkii qorsheysnaa ee Kampala ka dhacay sandkii 20140,kaasi oo galaantay nolosha dad u dhashay iyo ajaaniib.

Saraakiisha ugu sareysan Maxkmada Uganda ayaa shaaca ka qaaday in xabsiga dadkaan ay ku jiran tahay mid sharci ah,maadaamaa wax arin sharciga iyo amaanka ka dhan ah ay ka wadeen gudaha Uganda,sida warbixin shalay Maxkamada sare ee Ugaanda ka soo baxday lagu sheegay.

Dadkani Kenyanka ah ayaa loo xiray tuhun ku aadan ku lug lahaanshaha weerarkii Bambanada ahaa ee ka dhacay maqaaxi ku taalo Kampala Bishii July 11 sanadkii 2010,markasi oo socotay daawashada ciyaartii kama danbeyska ahayd ee Cup-aduunk.

Kooxo dhowr ah oo xuquuqda u dooda oo Kenya ku sugan ayaa ku baaqay in la siiyay Kooxahaasi u xiran Uganda,islamarkana gacanta Kenya ku soo wareejiyaan dadkani u xiran.

Waxaana dadkaan lala xiray sida uu qoray wargeysk The Star,shaqsiyaad u kala dhashay dalalka Soomaaliya,Uganda,iyo Tanzaania kuwaasi oo lagu eedeeyy inay Kiiskan wax k ogyahay in kastoo jirdil iyo si aan wanaagsaneyn markii loola dhaqmay la sii daayay,sida warbixinta lagu xusay.

Ururk Al-shabaab aya sheegtay weerarkaasi Kampala,iyagoo u sababeeyay aargoosi ku aadan Ciidmad Uganda ee soo galay Soomaaliya.