Dowladda Soomaaliya Xabsiga U Taxaabtay Siyaasi C/llaahi Shiikh Xasan.

0

Muqdisho, AGGM:Waxaa maanta ciidanka Dawlada Soomaaliya ay Xabsiga utaxaabeen Siyaasiga Caanka ah C/llaahi Shiikh Xasan xilli uu kusugnaa Magaalada Muqdisho oo uu deggenaa.

Gudoomiyaha Xisibiga Nabada iyo Dimuqaraadiyada Somaliya C/llaahi Shiikh Xasan ayaa la xiray isagoo kasoo dagayey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Adan Cade Airport xilli uu ka yimid Magaalada Nairobi.

Lama oga sababta loo xiray Siyaasiga Caanka ah ee C/llaahi Shiikh Xasan oo lagu sheego inuu yahay Mucaaradka Madaxweyne Xasan Shiikh Dawlada uu Hogaamiyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com