FAAH FAAHIN:- Dagaal xoogan oo ka dhacay gobalka Galgaduud

0

Dhuusamareeb, AGGM: Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa weerar dagaal xoogan waxa ay ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Ceelgaras oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Dagaalkaan oo ahaa mid aad u culus ayaa ciidamada Shabaab ay la eegteen difaacyada ciidanka ay ku leeyihiin duleedka Ceelgaras oo dhowr mar oo hore dagaalo caynkaan oo kale ah ay ku qaadeen.

Dhinacyada dagaalka dhexmaray ayaa la sheegayaa inuu soo kala gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira, inkastoo aan si dhab ah loo hayn tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee deegaanka Ceelgaras ayaa laga soo xigtay inay iska caabiyaan ciidamada Shabaab ka tirsan ee dagaalka kusoo qaaday deegaanka, ayna khasaaro ku gaarsiiyeen dagaalkaasi.

Intii uu dagaalka socday ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka culus, waxaana la maqlaayay dhawaqa madaafiic xoogan oo dhaceysay, sida dadka deegaanka ay u sheegeen Warbaahinta Muqdisho ku taal.

Ciidamada Amisom iyo kuwa xooga dalka Soomaaliyeed ayaa saaka howlgalo waxa ay ka wadaan duleedka deegaanka Ceelgaras ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay ka baarayaan raadadka dagaalamayaashii xalay soo weeraray Ceelgaras.

Al Shabaab ayaa culees saaray deegaankan oo todobaadkiiba waxa ay weeraraan halmar ama labo mar.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com