FAAH-FAAHIN:- Wasiirada maanta laga yaabo inay is casilaan iyo magacyadooda (XOG MUHIIM AH)

0

Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in maanta ay iscasilayan ilaa 4 Wasiir oo ka tirsan Xukumada C/wali Sheikh Axmed Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Wasiirada ayaa kala ah.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Faarax Sheekh C/qaadir.

Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga Mudane C/laahi Maxamed Nuur.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Marwo Fahmo Axmed Nuur.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane Mahad Maxamed Salaad.

Afartaan Wasiir ayaa ah kuwo ku dhaw dhaw M/weynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

M/weynaha Soomaaliya ayaa Xalay War uu soo saaray ka horyimid Isku shaandheynta Golaha Wasiirada lagu sameeyay,waxaana uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu Dasturka ku tuntay islamarkaana oo uu Caqabad  ku yahay Hanaanka Siyaasada Soomaaliya.

Arrintaan ayaa sii Xoojineysa Khilaafka labada Mas’uul waxaana hadii ay Wasiiradaan is Casilaan ay Guul u tahay Taageereyaasha Xasan Sheikh Maxamuud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com