Fadeexad:Dawladda Federaalka Oo U Magacawday Sarkaal Ka Tirsan Alshabaab Degmo Ka Tirsan Gobolka Bakool, Waa Degmadee? Sideese Ayay Ku Dhacday?

0

Muqdisho, AGGM: Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya ayaa u magacaabay Sarkaal ka tirsan xarakada Alshabaab oo aad looga yaqaan Degmada Waajid iyo Guud ahaanba Gobolka Bakool u magacaawday Gudoomiyaha Degmada Waajid ee Gobolka Bakool. Magacaabida sarkaalka Alshabaab ayaa la sheegayaa inay keentay qaar kamid ah odoyaasha deegaanka oo xarakada Alshabaab amartay inay dawladda iyo Xildhibaanada deegaanka u gudbiyaan in Xilka laga qaado Gudoomiyaha Degmada Waajid Cabdullahi Adan Yariisoow laguna bedelo sarkaalkaan ka tirsan  Xarakada Al-shabaabka oo lagu magacaabo Xasan Adan Gardhuub.

Xarakada Al-shabaab ayuu Gudoomiyaha Degmada Cabdullahi Aden Yariisoow oo aan weli xilka wareejin ku karaahsatay kadib weeraro is daba jooga oo Gudoomiye Yariisow ku qaaday haraadigii Alshabaab oo ku dhuumaaleysanayay deegaano ku xeeran Magaalada Waajid. weeraradii isdaba jooga ahaa  ee Gudoomiye Yariisoow ku qaaday saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen tuulooyin ku hareeraysan magaalada Waajid ayaa la sheegayaa in Shabaabka uga dhinteen saraakiil muhiim u ahaa iyo maliishiyaad fara badan, sidoo kalana weeraradaa waxaa  Al shabaab looga furtay hub aad u farabadan oo ay ku jiraan qoryaha loo yaqaan PKM-ka ama dabajeexa.

Xarakada Alshabaab oo deegaanadii ay heysatay sanadaha badan odoyaasha beelaha ee la joogay la yeelatay xiriir aad u weyn oo ay qayb ka tahay cabsi laga cabsanayo Maliishiyada shabaab ayaa la sheegayaa iney weli si dadban u maamulaan dadka ku dhaqan deegaanada laga xoreeyay iyaga oo ku haga qadka taleefanka, Alshabaab ayaa ku amray qaar kamid ah odoyaasha deegaanka inay dawladda u gudbiyaan waxyaabaha ay markaa daneynayaan xarakadu, Xarakada Alshabaab ayaa inta badan ku guuleysatay in deegaanadii laga saaray masuuliyiinta dawladu u magacaabeyso iney noqdaan kuwo ay iyagu soo jeediyaan ama raali ka yihiin oo fuliya danahooda.

Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaan masuuliyiinta ay xilalka u magacaabayaan weydiisan inta aysan magacaabin in Taliska Nabadsugida Soomaaliya uu baaritaan dhab ah oo adag kusoo sameeyo taariikh nololeedka masuuliyiinta ay doonayaan inay magacaabaan oo ay usoo gudbiyaan odoyaasha beelaha iyo Xildhibaanadu.

Ciidamada AMISOM eek u sugan Gobolka Bakool ayaa la sheegayaa inay heleen xog rasmi ah oo xaqiijinaysa kamid ahaanshaha Xarakada Alshabaab ee Gudoomiyaha Cusub oo ay soo magacaawday wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya laguna magacaabo Xasan Gardhuub. Magacaabida Sarkaalkaan ka tirsanaa Shabaab ee loo magacaabay Gudoomiyaha ayaa ku noqotay shacabkii deegaanka ee aqoonta u lahaa Gardhuub arin aad looga argagaxo oo banaanka soo dhigtay qeyru masuulnimada qaar kamid ah masuuliyiinta Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com