Fadeexad+GABAY: Col Cukaash Oo Loo Xiray Gabay Uu Uga Hadlay Dhibaatada Haysata Ciidamada XDS! “Milateriga Gaajadu Dishoo Gaardin Kari Waaye”.

0

Colonel Cismaan Cilmi Guure (Cukaash) oo kamid ah saraakiisha cidamada xooga dalka Soomaaliyeed, horena usoo noqday taliyihii ciidamada ilaalada Madaxtooyada xiligii dawladii Madaxweyne Sheikh Shariif , hadana ahaa Taliye urur ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya oo u adkeysan waayey dhibaatada iyo Musuqmaasuqa Taliska ciidanka xooga Dalka ku hayaan Milateriga Soomaaliya ayaa tiriyey Gabay xasaasi ah, gabaygaas oo xalay laga sii daayey idaacada Kulmiye ee Muqdisho gabayga oo si gaar ah u loogu tiriyey Taliyaha Ciidamada Xooga dalka General Indhaqarshe, sidoo kalena gabaygu wuxuu taabanayey Taliska Saadka iyo Logistikada oo uu hogaamiyo Col Abdullahi Mo’alin Nur.

Subaxnimadii maanta ayuu General Indhaqarshe u taxaabay xabsiga dhexe Col Cukaash, Sarkaalkaan oo shacabka Somaliyed u arkeen inuu yahay wadani dhab ah, wuxuu gabayga ku muujiyey dhibaatada Milateriga Somaliya ku hayaan Taliska ciidanka Xooga iyo Saadka, sidoo kale gabayga wuxuu uga hadlay cawaaqibka ka dhashay ciidamada mushaarkooda iyo garaamkooda la lunsado oo laamiyada dhigtay isbaarooyinka, Jidgooyooyinkaa ciidamadu dhigtaan oo safarka lagu dhibateyo ayeysan wax ka qaban Taliska ciidamada Xooga iyo Maxkamada Ciidamada xooga-ba, Maxkamada Ciidmada ayaa shaqadeda kusoo kobtay dhalinyarada Xarakada Alshabaab ee nabadsugidu kusoo qabato hawlgaladeeda.

Qeybta Koowaad ee Gabayga (FARIIN QARAN)

In dhoweydba waataan ka tegay gabayadeydiiye

Gacmahaan ka laabtoo marhore baan ka gaabsadaye

Anoon gebin inaan u ganbiyo waan go’aansadaye

Markii ley gardaadiyay-ba waa soo gunaanadaye

Maanta waxaan tirinayaa gabay gun iyo baac dheere

Nin gaboobay iyo wiil gu’ yari gaari mahayaane

Geeduhu kuyaalaan aqaan oon kasoo guriye

Aduunyada markii uu gilgilay gocosho weyn reebye

Kumanaan aan geerida rabine baqo is giijeene

Gaanjada markii aan ka jaray gaaskibaa fidaye

Gal xareeda niman buu u yahay dhaay lasoo gadaye

Nin kalana gantaal buu ku yahay gubaya laabtiisa

Ha gadoodo ruuxii rabee waan ku godayaaye

***********

Milateriga gaajadu dishoo gaardin kari waaye

Milatariga gaabsanahayee goodin kari waaye

Milateriga gaadiid wadada gooshi kari waaye

Milateriga goobihii dagaal guul ka dhalin waaye

Milateriga gobanimo ka tegay ee gunnimo doortay

Oo cadawga goonyaha fadhiya gaari kari waaye

Waxa geeyay heerkaas hadaan maanta garan weynay

Guuleystayaalow wax badan baan ka gaabinaye

Gaashaandhigeenow adaan kuu geliin nahaye

Maxaan geysh dhisnaa taliskibaa cunni garaamkiiye

***********

Galhayeeri Gudaha Jowhar iyo Gobolka Hiiraana

Galgaduud ilaa Gaalkacyiyo Garoowe Meesheeda

Ama Guriga Buuhoodle iyo Seylac Guradeeda

Gebiley Waqooyiga Galbeed Harar Gadaasheeda

Hadii aan Godey iyo Wardheer Doolo soo Geliyo

Goof Guddudka Baydhabo ilaa Gedo aan Gaarsiiyo

Nimankaa garaadada dhigtoo Geela ku Ilaalsha

Guutooyinkii kala tegiyo Gaaskii kala yaacay

Mar labaad haddii loo guntadoo goob isugu keeno

Gaashaandhigeenow adaan kuu Galiin Nahaye

Maxaan Geysh Dhisnaa Taliskibaa Cunni Garaamkiiye

***********

Garoomada hadaan xaaqno oo ciidan soo gelino

Sida loo gambado misana cadawga loo guulo

Gaataan socod hadaan barniyo gaado ka ciyaarka

Kaaraha gurguurtiyo hadaan hawser soo gadano

Geyigeenu waa nabad markay guluf dhaqaaqaane

Gaashaandhigeenow adaan kuu geliin nahaye

Maxaan geysh dhisnaa taliskibaa cunni garaamkiiye

***********

Anoo godol ka maalaa ninkii gaagaxshaa tahaye

Naasaha ninkii gooyey oo gawracaa tahaye

Ninkii gacanta noo geliyaad aheyd guuldariyo hooge

Risaqaad gureysiyo waxaad gabagabeynayso

In aduun gabaawsi yahay go’aha yow sheega

Goobroonta aad shiriniyo sixirka aad goobeyni

Guntimadaad xireysiyo ogahay meeshaad gelinayso

Ma galado ilaah marnaba ruux gabood fala e

Jahanama waxaa gala ninkii diinta gaasira e

Gaashaandhigeenow adaan kuu geliin nahaye

Maxaan geysh dhisnaa taliskibaa cunni garaamkiiye

***********

Giir baan gelshaa meel hadaan gaar isleeyahaye

Waxaan galo waxaan gudo ninkaan garanba yeelkiiye

Anoo qaranka guubaabinaa gool hadaan dhaliyo

Gef inaad u aragtaahu waa kuu garaad yariye

Gar baa loo dhigtaa ruux hadduu kaa abaal gadoe

Dacwo inaad sharciga geysataa waa gudboon tahaye

Gaashaandhigeenow adaan kuu geliin nahaye

Maxaan geysh dhisnaa taliskibaa cunni garaamkiiye

***********

Nabsi wuxuu gurguurtiyo wuxuu soo hergalo geedba

Wuxuu guura leyliyo wuxuu geedi soo yahayba

Sida bahalka goodkaa wuxuu soo galaangalaba

Wuxuu soo gafleeyiyo wuxuu guuxa soo laliyo

Mar unbuu gab soo dhihi halkay gogoshu kuu taalo

Gurigaaga adigoo galaa gaar lagaa qabane

Isugeey gacmaha kaa go’ee gaalshiraad geliye

Gaashaandhigeenow adaan kuu geliin nahaye

Maxaan geysh dhisnaa taliskibaa cunni garaamkiiye

***********
Dhamaadka qeybta koowaad

Qeybta 2aad oo aad u xiiso badan la soco Indhaqariye intuu qaali yahay qoomku waa ba’aye Milateriga qeylada dhextaal qaranku maa eego.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com