Federalaasimka iyo Soomaaliya. W/Q Mohamed Abdullahi (Ildab)

0

Soomaaliya markii ay ku jirtay xaalada fowdo ee dagaalka sokeeye waxaa iyana bar bar socday dadaalo dowlad dhisitaan oo goos goos ah oo ay wadeen qaar ka mid ahaa rag siyaayiin ah oo markii danbe ku heshiin waayay in ay dalka u dhisaan dowlad sal ballaaran oo dadkii dagaalka sokeeye ku kala tagay ay kuwada dhanyihiin.

Haddii aan tusaale u soo qaadano midkii ugu danbeeyay ee ay raggii markaas Soomaaliya qab- qablayaasha jabhadaha ka ahaa ay ku kala kaceen shirkii Qaahira 1997, kaas oo ay rag dhanka kale markaas u matalayay siyaasada ay ka soo caroodeen.

Raggaasi waxa ay dareemayeen in markaas siyaasadda awood qaybsiga aysan ka heli karin waxa ay qisim ahaan u heli karaan marka wax loo qaybsado juqraafiyadda qabiil ee Soomaaliya ku salaysan tahay, waxaana arinkaas sal u ahaa iyagoo ku hoos jiray laba jabhadood oo markaas ay kala hoggaaminayeen Xusseen Caydiid oo madax ka ahaa dowladdii sal ballaar ee uu Aabihiis ka dhaxlay iyo tii Cali Mahdi oo isna dhanka kale markaas hor jooge u ahaa.

Arinkaas lagu kala kacay Soomaalida dhexdeeda ayaa waxa uu markii danbe gayaysiiyay in Soomaaliya ay si toos ah fursad ugu helaan wadamada deriska ah iyaga oo ka faa’iidaysanaya kala qaybsanaanta qabiil ee waddanka ay dhaxalsiiyeen dagaaladii sokeeye sida xooga badan uga bilaamay koonfurta Soomaaliya iyo Gobolada dhexe ee qabyaaladda ku salaysnaa markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya oo uu hoggaamiyaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Dhinacii kale ee ay matalayeen Cllaahi Yuusuf Ahmed iyo Janaraal Gabyow shirkii Qaahira waxa ay istuseen siyaasiyan in aysan suurtagal ahayn in qaybsigii dowladnimo uusan u cuntami karin cidda ay matalayaan waxa meesha yaal sidaas awgeedna iyaga oo kaashanaya Itoobiya ay ka soo baxeen shirkaas.
Maamul goboleed

Ururkii SSDF ee markaas uu maamulayay Cllaahi Yuusuf, matalayayna dhulkii loo aqoon jiray Gobolada Waqooyi Bari Soomaaliya iyo Jabhadihii USP iyo SSC oo iyana markaas ka jiray gobolada Sool iyo Sanaag oo diidanaa nidaamkii gooni goosiga ee Somaliland ayaa waxa ay iskugu yimaadeen in ay dhistaan maamul goboleed sal ballaaran oo la yiraahdo Puntland, kaas oo ka turjumaya rabitaanka dadka ay isku haybta yihiin si ay awood qaybsi qabiil oo ku salaysan Juqraafiyadda goboladii 18-ka Soomaaliya ay saamigooda uga helaan haddii shir danbe la iskugu yimaado .

Nidaamkaasi markii uu ka hirgalay dhulka Puntland loo yaqaan ayaa iyana waxaa waddanka oo dhan ka bilaamay dhaq dhaqaaq kaas la mid ah oo maamul goboleedyo ah oo gobolada dhexe Soomaaliya qaybo ka mid ah lagaga dhawaaqay, walowba aysan miisaan ahaan iyo dhul ahaanba gaari karin kan Puntland, haddana arinkaasi waxa uu noqday dareen wada gaara Soomaaliya dhammaanteed illaa Soomaali badan oo shirar isukugu timid sida kii Carta iyo Imbagaati la isla gartay in ay nidaam Federaali ah oo maamul goboleedyo ku salaysan dalka laga hirgasho si dadkii dagaalladii qabiil isku barakacshay oo illaa haatan isku afgaran la’ hannaanka dowlad wadaaga ay isku aaminaan, waana sida aan filayo in nidaamka Federaaliga ah ee inta badan Puntland iyo Jubba land ay difaacaan waxa uu tabasho ahaan salka ku hayo marka sawirka waddanka ka jira la soo bandhigo.
Dowlad Federaal ah

Laga soo bilaabo dowladihii lagu dhisay shirkii Carta ill kan haatan ee Xassan Sheekh madaxwaynaha ka yahay ee la sheego in lagaga gudbay nidaamkii ku meel gaarka ahaa, ayaa waxa la dhihi karaa waa markii ugu horaysay ee ay Soomaaliya ka qayb gasho maxaafisha dowliga ah iyadoo calan iyo magac dowladnimo wadata, waxayse soo martay marxalado kala gadisan oo aad u dhaawacaya qaranimada Soomaaliya. Waxaa dalka ciidan iyo dowlad rasmi ah ka ah ciidamo shisheeye oo dana kala gadisan dalka u jooga, waxaa illaa haatan dalka laga hirgalin ciidan qaran oo federaalism ku salaysan oo laga soo ururshay dhammaan dhulwaynaha Soomaaliya sida lagu yaqaan ciidan federaal ah.

Intaas waxaa sii dheer oo markasta si fiican u soo shaac baxda laga soo bilaabo dowladdii Cabdi/ qaasim heerka qottoda dheer ee isaaminaad la’aanta dowladnimo ee qabaa’iladii shalay ku dagaalamay dalka ee illaa haatan u kala fadhiya maamulo iskood u kala madax bannaan.

Waxaa markasta awoodda dalka iyo qaabka loo turjumanayo shuruucda iyo qawaaniinta la qortay isku qabsada Madaxwaynaha iyo Raysal wasaaraha. Waxaa sidoo kale su’aal ka soo baxdaa sida nidaamka federaalka ah ay ragga markaas Soomaaaliya hoggaanka u ah ugu badali karaan mid Soomaali aaminto , dowlad dhexe oo dalka isku soo celisana ka hirgalisa min Raasi kaanboodi illaa Raasi casayr iyadoo lagu wada qanacsanyahay.
Aayaha danbe.

Si dhab ah marka loo taxliiliyo jihada siyaasadeed ee Soomaaliya qaadayso iyo fursadaha faragalineed ee ay helayaan wadamada deriska ah ee danaha fog ka leh Soomaaliya oo lagu daray karti xumada maamulka haatan ugu sareeya dalka ee madaxda ka yihiin Xassan Sheekh iyo Clduwali iyo Jawaari waxaa kuu soo baxaysa in Soomaaliya ay ku socoto wadadii mu’aamarad ahaan loogu tala galay oo ah in loo qaybsho Soomaaliya maxmiyado dowlado ah oo iskood qolo walba ula macaamilaan waddamada dariska ah balse aan dowlad ahaan loo aqoonsan.

Mas’uuliyada dhabta ah ee arinkaasina waxa uu dusha ka fuulayaa cidda markaas meesha joogta ee suurtagalin wayday dib u yagleelida Soomaaliya midaysan oo isku aaminta nidaamkii ay ku heshiiyeen oo u danaynaya danaha dalka iyo dadka, waana marxalad u baahan huritaan siyaasadeed iyo aragti fog “Political Sacrifice and Long Vision”.

Mohamed Abdullahi
ildab20@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com