Finland oo ka baqeysa in dadka dagaalamy Syria tagaan dalkaasi

0

Waziiradda Arimaha Gudaha ee dalkan Finland, Mss päivi Räsänen oo goordhow hadashay ayaa sheegtay in Wadankeedu ay ku soo badanayaa Qolooyinka Aaaminsan Xag jirnimada, waxaana lagayaabaa bey tiri in markastaa gudaha dalka ay wax ka dhici karaan .

Waxaa Hubaal ah inay Jiraan dhalinyaro Finlandes ah oo udagaal tagay Syria & Ciraaq inay kusoo laabtaan dalka ,iyagoo xagjirnimo Xamabaarsan ayey Hadalkeedu siiraacisay .

Päivi Räsänen ”waxaan hadda ku howlannahay sidii aan go’aan uga gaarileheen dadka la tuhmay inay dibadda udagaal tageen, waxaa wadankeenu ka mamnuuc ah fikradda Asal raacnimada ah”

si kasta oo ay ahaataba ,baryihii lasoo dhaafay waxaa saxaafadda dalkan ay si weyn uhadalheysay arimaha la xiriira dad la tuhmay inay Syria aadeen, oo qaarkood ay kasoo baxeen shaashadaha la daawado, ayagoo ku hadlayo luuqadda Finnishka.

Dhalinyaro Somali-Finnish ah ayaa sidoo kale la xaqiijiyey inay toos ugu safteen Xoogagga Islaamiyiinta ee ISIL.

Lama oga meesha uu ku danbeyndoono mustaqbalka dhalinyaradan,iyadoo dadka wax falanqeeyaana ay aaminsanyihiin go’aan doladda Finland inuu noqondoona in ragani baxay aanay marnaba dib ugu soo laabandoonin wadankan Finland.