GO”AAN:- Guddiga Amniga xukuumadda Soomaaliya oo go’aano ka soo saaray arrinta ka taagan gobolka Hiiraan

0

Kulan ay maanta isugu yimaadeen guddiga Amniga ee golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya iyo guddi Wasiiro ah oo dhowaan loo xilsaaray xalinta dagaal beeleedyada ka dhacaya deegaanka Deefow ee gobolka Hiiraan, waxaana shir guddoominaayay ku simaha  Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ahna Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Ridwaan Xirse Maxamed.

Kulanka maant waxaa laga soo saaray qodobadan:

  1. In la qabto kulan deg deg ah oo looga hadlaayo dhacdooyinka gobolka Hiiraan.
  2. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ay AMISOM ka codsanaysaa in ay sii waddo adkeynta amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya isla markaana ka qeyb qaadato joojinta dhibaatada ka taagan gobolka Hiiraan.
  3. Waxaan dhamaan xubnaha Barlamaanka, Siyaasiyiinta iyo Hogaamiyiyaasha dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaan odayaasha ka soo jeeda gobolka Hiiraan in ay doorkooda ka qaataan sidii loo soo celin lahaa nabadda iyo xasiloonida deegaanka isla markaana walaalaha Soomaaliyeed oo halkaasi ku dhaqan ay uga bixi lahaayeen xaaladda cakiran oo ay hadda ku sugan yihiin.
  4. Waxaan sidoo kale rajaynaynaa in dadka nabadda jacel oo ku nool gobolka Hiiraan in ay gacan ka geystaan joojinta rabshadaha ka taagan halkaasi isla markaana laga fogaado wax kasta oo sababaya dhibaato hor leh.
  5. Maamulka gobolka Hiiraan waa in uu qeyb ka qaataan soo celinta nabadda iyo xasiloonida deegaanka isla markaana ay joojiyaan dagaalka u dhexeeya dadka Soomaaliyeed oo halkaasi ku wada nool.
  6. Dowladda Soomaaliya aad ayay ugu xuntahay rabshadaha ka dhacaya gobolka Hiiraan, kuwaas oo dhaliyay duruufo adag isla markaana keentay is fahamwaa u dhexeysa labada dhinac, waxaase xusin mudan in AMISOMta halkaa joogta ay yihiin kuwo wali isku dayaya sidii ku xoojin lahaayeen nabadda iyo amaanka gobolka Hiiraan

Waxaa ku saxiixnaa Mudane Ridwaan Xirse Maxamed oo ah ku simaha Ra’isul wasaaraha ahna ku xigeenka Ra’isul wasaraha  xukuumadda Federaalka Soomaaliya.