Heerka xaalada Cabsida ee magaalada Muqdisho iyo goobaha leesugu yimaado oo laga cararayo

0

Tan iyo markii ay dhaceen Isbuucii lasoo dhaafay labo qarax oo loo adeegsaday gawaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray Baarar kuyaala Magaalada Muqdisho, waxaa aad u yaraaday dadka u sheeko iyo shaah doonta Baararka Muqdisho.

Marka aad tagto Baararka ama Maqaayadaha waayihii hore aad u camirnaa dad badan ay soo fariisan jireen ayaa hada u muuqda kuwa maran oon la isku warsan , waxaana dadka lasoo daristay cabsi la xariirta in la qarxinayo hadii ay fadhiistaan Baararka waa weyn ee bulshadu ku kulanto.

Mid kamid ah Dhalinyarada xiliyada habeenkii u shaah doonan jiray Baararka Casriga ah ee laga furay Magaalada Muqdisho ayaa noo sheegay in uu hada joojiyay in uu aado goobaha lagu shaaho , waxa uuna tilmaamay in dantu ku kaliftay gurigiisa uu iska joogo maadama qaraxyada soo kordhay aan dadka lagu kala sooceyn.

Baararka Casriga ah ee laga furay Magaalada Muqdisho ayaa ahaa kuwa ay inta badan dhalinta iyo dadka waa weyn ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho ay u doonan jireen Shaah iyo sidoo kale Internet.

Isbuucii lasoo dhaafay Baarar kuyaala Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Qaraxyo gawaari loo adeegsaday , waxaana qaraxyadaasi ku dhintay ku dhawaad 30-qof oo shacab u badnaa, halka tiro kale oo aad u badana ay soo gaareen dhaawacyo culus.