DHAGEYSO:- Hogaanka Socdaalka oo arin wanaagsan SHaaciyay+Maxay tahay?

0

Hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa ku dhawaaqay arin wanaagsan oo anfaceysa caafimaadka guud ee dalka gaar ahaan dadka Soomaaliyeed.

Hogaanka wuxuu shaaciyay in la baarayo dhamaan dadka kasoo dagaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho si loo hubiyo caafimaadka , kuwaasi oo ka koobandadka ajaaniibta iyo dadka Soomaalida ee safarka ku imanaya dalka.

General C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in hubinta dadka ajaaniibta ah ay tahay mid u wanaagsan caafimaadka dalka Soomaalida, sidaasi daraadeedna ay si wanaagsan ula socon doonaan.

Wuxuu sidoo kale Mr Gaafow uu sheegay in laamaha amaanka ay yeelan doonaan shir amniga loo hadlayo kaasi oo looga hortagyao cudurka Ebola.