Kenya oo sheegtay in Rag Al shabaab ah ay dishay

0

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa shan ruux oo looga shakisan yahay Al-Shabaab ku dilay magaalada Mooyaale oo ku taal xuduuda Itoobiya.

Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya ayaa sheegay in shanta ruux ay qorsheynayeen inay weeraro qaadeen, kadibna ay ciidamada is weydaarsadeen rasaas.

Wararka ayaa sheegaya in raggan ay wateen gaari iyo waxyaabaha qarxa oo ay doonayeen inay geliyaan gudaha Kenya.

Sidoo kale raggan ayaa watay ilaa lix suunka la isku qarxiyo oo ku jiray gaariga ay wateen sida uu sheegay afhayeenka difaaca Kenya.

Kenya oo ka mid ah howl galka AMISOM ayaa dagaal kula jirta Al-Shabaab, waxaana gudaha dalkeeda ka dhacay weeraro dad badan lagu dilay oo ay mas’uuliyadeeda sheegatay Al-Shabaab.