Koox Hubaysan Oo Xalay Askari Katirsanaa Ciidamada Dowladda Ku Dilay Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho, AGGM: Koox Hubeysan ayaa waxay ku dileen Habeenimadii Xalay Xaafada Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho Askari Katirsanaa Ciidanka Dawlada Somaliya.

Dilka ayaa waxa geystay Dabley dhalinyaro ahaa oo ku hubeysnaa Bistoolado iyagoo dilka kadib ka baxsaday goobta ay dilka ka geysteen.

Askari la dilay ayaa meydkiisa waxa xalay la dhigay Cusbitaalka Madiina waxaana saaka lagu Aasay Qabuuro ku yaalla isla Muqdisho iyadoona dadka garanayey askarigaasi ay sheegeen inuu ahaa Qof wanaagsan.

Xaafada Suuqa Xoolaha ayaa la sheegaa inay tahay meesha ugu badan ee Askarta Dawlada ee lagu dilo waxaana ciidanka ay iyaguna halkaasi ka sameeyaan howlgalo Amniga lagu xaqiijinayo inkastoo dilka iyo qaraxyada aysan ka joogsan Xaafadaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com