Kulan ay yeesheen Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha oo Fashil kusoo dhamaaday iyo Khilaaf hor leh oo Bilowday (Warbixin)

0

Wararka aan ka heleyno Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in uu fashil kusoo dhamaaday kulan xalay Xarunta Madaxtooyada kuwada qaateen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed.

R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay u gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Qorshe uu ku doonayay in uu isku shaandheyn kooban ku sameeyo Xubno katirsan Golaha Wasiirada , waxa uuna qorshahaasi noqday mid uu kasoo horjeestay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kulan labada Masuul dhax maray oo dhinacyo badan ay kaga doodeen ayaa ugu dambeyn kusoo dhamaaday fashil , waxaana warar aan helnay sheegayaan in Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha fadhiga ku kala kaceen kulankii ay lahaayeena uu kusoo dhamaaday natiijo la’aan.

Madaxweynaha ayaa diidanaa qorshaha uu R/Wasaaraha ku doonayay in Xubno isaga ku dhaw dhaw sida Faarax Sheekh C/Qaadir looga wareejiyay Xilka Wasaarada Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka, loona dhiibay Wasaarad aan miisan badan Siyaasada dalka ku laheyn oo ah Wasaarada Xanaanadaha Xoolaha ,Dhirta iyo Daaqa.

R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa isku shaandheynta kooban uu sameeyay uga gon lahaa sidii uu meesha uga saari lahaa qabweyninka ku jira Faarax Cabdu qaadir oo ah nin aad ugu dhaw Madaxweynaha Soomaaliya saameyn badana ku leh Siyaasada dalka lagu maamulo.

Waxaa durbo bilowday Khilaaf hor leh oo u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/Wasaare Cabdi Wali, waxaana hada muuqata dagaalka Siyaasadeed ee bilowday in looga awood sareeyo Madaxweyne Xasan Sheekh .

Inta badan Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa lasoo warinayaa in Siyaasad ahaan taageersan yihiin Qorshaha R/Wasaaraha ,waxaana laga cabsi qabaa Khilaafka cusub ee ka dhax curtay labada Masuul ay saameyn iyo dib u dhac ku keento Hormaka Dowlada.