Kulan ay yeesheen Muungaab iyo Wasiirka Maaliyada oo Fashil ku dhamaaday

0

Sida ay ku waramayaan wararka ay Heleyso Warbaahinta MuqdishoNews Waxaa Fashilmay kulan saacado badan qaatay oo ay wada qaateen Wasiirka Maaliyada Somalia Xuseen Cabdi Xalane iyo Gudoomiyaha Gobolka banaadir Gen Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”kaas oo ka dhacay  Xafiiska Wasiirka Maaliyada

Kulanka oo shalay ilaa Xalay Socda ayaa waxaa looga Hadlay Arimaha Canshuurta Dowladu qaado oo dhawaanahaanba Muran ka dhashay oo u dhaxeeya Maamulka Gobolka iyo Wasaarada Maaliyada uu cirka isku sii shareerayay Iyadoo labada Mas,uul  kulankooda waxyaabihii ay uga hdaleen ay isku mari waayeen taas oo dood xoogan dhalisay .

Mas,uuliyiin Gobolka ka tirsan oo aanu la hadalnay ayaa waxaa ay xaqiijinayaan  in Kulankaas oo qaatay in ka badan 5 saacadood uu natiijo la.aan ku dhamaaday oo ay ku klaa tageen labada Mas,uul isla markaana lagu balamay in Arinta maanta markale la isku soo laabto  iyadoo ay suura gal tahay in madaxweynaha la isla gaaro.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Gen Muungaab ayaa dhawaan warbaahinta waxaa uu ka shaaciyay Eedeyn Kulul oo uu u jeediyay Wasaarada Maaliyada oo uu ku sheegay in ay musuq maasuqday Lacagtii Maamulka Gobolka uu ku lahaa Dekada oo ahayd %15 isagoo ku sheegay in sidoo kale ay Canshuur ka qaadeyso goobihii Maamulka Gobolku uu Xaqa u lahaa in uu canshuur ka qaado sida uu yiri.

Wararka qaar ayaa sheebgaya  in Muranka ka dhashay Canshuurta Gobolka iyo Dhaleeceynta Muungaab Ee Wasaarada ay keentay in Gudoomiyaha Gobolka Gen Muungaab uu Xilkiisa ku waayay oo maalmaha soo socda la shaacinayo in Xilka laga Xayuubiyay.