Madaxda sare ee dalka oo kulan la qaatay Ban-Ki Moon iyo madax kale

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay wafdi uu hogaaminayo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon iyo Madaxweynaha Kooxda Bankiga Adduunka, Jim Yong Kim, kuwaasi oo Muqdisho soo gaaray.

Wafdiga ayaa markii ay soo gaareen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxa ay halkaasi salaan sharaf kaga qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka AMISOM, halka kooxda booliska ee baambeyda ay muusik ku soo dhaweeyeen, iyadoo ay hallaasi ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa ugu horeyn u mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya sida diiran ee uu ugu soo dhaweeyay Muqdisho, isagoo sheegay in tani ay u tahay booqashadiisa labaad ee uu dalka ku yimaado, kaddib saddex sano oo uu dalka ka maqnaa, isla markaana ay wax badan iska badaleen, ayna kala duwantahay sanadkii 2011-ka.

“Waxaan xambaarsanahay labo fariimood, tan kowaad waxaan ognahay siyaasadda, dowlad wanaagga, amniga iyo horumarka wax badan oo la taaban karo ayaa iska badalay, tan labaad Qaramada Midoobay, Bankiga Kooxda Adduunka iyo weliba bulshada caalamka guud ahaan waxaa ka go’an inay dadka Soomaaliyeed gacan siiyaan. Soomaaliya waxay ku taagantahay waddada saxda ah, anigana waxaan hubaa in dadka Soomaaliyeed ay u istaagi doonaan inay ka hortagaan caqabadaha weli dalkooda hortaagan. Waxaan halkan u joognaa inaan u sheegno Soomaalida inaysan keligood ahayn iyo inaan laballaabi doono dadaalka aan ugu jirno inaan ku kaalmayno si ay u ilaaliyaan guulaha la gaaray sannadihii dhowaa,” ayuu yiri Ban Ki-moon.

Madaxweynaha Kooxda Bankiga Adduunka, Jim Yong Kim oo isna kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa yiri “Kalaguurka Soomaaliya waa fursad aan lahayn wax loo dhigo oo ay dalka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrikaba sare ugu qaadaan hab nololeedka dadka iyagoo ka qaybgelinaya hawlaha wax soo saarka dhaqaalaha,” ayuu yiri Kim. “Xasillooni siyaasadeed iyo amni dadweynaha waxay shuruudo muhim ah u yihiin yareynta saboolnimada xad dhaafka ah iyo kordhinta barwaaqo ay wadaagaan dadka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo isna kulanka ka hadlay ayaa yiri “Soomaaliya 22 sano kahor waxa ay soo martay dhibaatooyin laga dhaxlay dagaallo sokeeyo, maantana waxaa socda dhismaha Maamul goboleedyo si dalka looga hirgeliyo nidaamka federaalka ah, waxaana ku rajo weynahay 2016-ka in dalka uu ka dhaco doorasho”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in ay tahay wax lagu farxo booqashada wafdiga heerka sare ay maanta ku yimaadeen Muqdisho.

“Ku soo dhawaada Muqdisho tani waxa ay noo tahay farxad weyn, in Muqdisho aad timaadaan waxaa suurta geliyay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ku guuleystay sugidda iyo xaqiijinta amniga, waxaana idinka rajeyneynaa in aad wax badan qaban doontaan” ayuu yiri Madaxweynaha

Kulanka ayaa waxaa Dowladda iyo Qaramada Midoobay ay ku kala saxiixeen heshiis wada shaqeyn oo si toos ah u dhexmari doona Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Booqashada wadajirka ah ee heerka sare ayaa imanaysa waqti muhim u ah Soomaaliya oo hadda guulo la taaban karo ee xagga amniga ah ka gaaraya dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab, horeyna u sii wada dib u habayn siyaasadeed oo lagama maarmaan ah oo ujeeddadeedu tahay in doorashooyin qaran la qabto sannadka 2016. Wafdigu waxaa sidoo kale ka mid ah Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Islaamka, Axmed Maxamed Cali, iyo wakiillo sarsare ee ka socda Bankiga Horumarinta Afrika, Midowga Afrika, iyo Midowga Yurub.