Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo U Ambabaxay Magaalada Dubai

0

Muqdisho, AGGM: Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  uu ku tagayo dalka Isutaga Imaaraadka Carabta  ayaa waxaa uu kaga qeybgalayaa shir heer caalami ah oo looga hadlayo Arrimaha burcad badeeda Soomaaliya,

Shirka  oo lagu qabanayo magaalada Dubai ayaa waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan beesha caalamka kuwaa oo ka hadli doono arrimo la xiriira shufta badeeda iyo sida loo cirib tiri karo.

Madaxweynaha dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan  Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’isul wasaaraha dalka Cabdiweli Sheekh,xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya qaarkood.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo shirkaasi looga hadlayo burcad badeeda Soomaalida iyo sidii wax looga qaban lahaa falalka afduubka ah oo ay ka geysanayaan xeebaha Soomaaliya iyo biyaha caalamiga.

Bishii September ee sanadkii tagay ayaa shir midkan la amid ah lagu qabtay isla magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka, waxaana looga gonleeyahay in la soo afjaro dhibaataada kooxaha burcad badeedka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com