Maleeshiyooyinka Al-Shabaab iyo Raaskaambooni oo dagaalamay

0

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in ay Maleeshiyadda kale ee Raas-Kaambooni ay ka dileen in ka badan 80 Dagaalyahan, halka Afhayeen u hadlay Axmed Madoobe uu sheegay in ay iyaguna Dileen ilaa 30 ka Tirsanaa Al-shabaab.

Sarkaal u Hadlay Kooxda Al-shabaab oo lagu Magacaabo C/raxmaan Xudeyfi ayaa sheegay in Dagaallo dhex Maray iyaga iyo Maleyshiyada Raas Kaambooni ay ku dileen Koox ka Tirsanaa Ciidamadooda.

Dhanka Axmed Madoobe, Sarkaal u Hadlay Ciidamadiisa oo la Yiraahdo Mukhtaar Maxamed ayaa sheegay in ay Maleyshiyada Al-shabaab dagaalldii ugu dambeeyay uga Dileen Xubno ay Ajaaniib ku Jiraan.

Labada Dhinac ayaana sheegaya in ugu Yaraan Dagaallo ka dhacay deegaano Hoostaga Magaalada Kismaayo ay isaga Dileen in ka Badan, 100 Dabley ah oo ka kala Tirsanaa Labada dhinac.

Maleyshiyada Axmed Madoobe ee Raas Kaambooni ayaa iyaga oo Kaashanaya Ciidamada Kenya waxaa ay Dagaal ku qaadeen Fariisimo ay Jubada Hoose ku Lahaayeen Kooxda Al-shabaab, waxaana ku dhintay Dagaalladii dhex Maray ku dhowaad 120 qof oo u Badan Ciidamadooda.